Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya halkaas in lagu dilay mas’uul ka tirsan maamulka Axmed Madoobe.
Kooxo hubeysan ayaa la sheegay xaley in ay ku dileen xaafadda Aargada ka tirsan xaafadaha magaalada Kismaayo mas’uul ka tirsanaa maamulka dekedda Kismaayo kaasoo lagu magacaabi jiray Macallin Axmed.
Sida ay noo sheegeen goobjoogayaal ah marxuumka ayaa waxaa dilay rag ku hubeysnaa bastoolado, kuwaasoo ku sugaayay masaajid uu ku tukaday salaaddii maqrib.
Mas’uulkan ayaa la sheegay in uu ka tirsanaa waaxda canshuuraha ee dekedda Kismaayo.
Ragga dilka gaystay ayaa sidoo kale dhaawacay askari ka tirsan ciidanka maamulka KMG ah ee Jubba ka hor intii aanay goobta ka baxsan, sida ay sheegayaan wariyaasha Kismaayo.
Dilka kaddib waxaa magaalada lagu soo rogay bandow gaar ahaan xaafadda Aargada,waxaana lagu arkyay ciidamo fara badan howgallo ka wada.
Ilaa hadda ma jirto cid ka hadashay dilka xaley loogu geestay mas’uul ka tirsanaa dekedda Kismaayo, waxaana dilkaas uu ku soo beegmayaa saacado uun laga jooogo markii magaalada lagu soo bandhigay walxo qarxa oo la sheegeen in lagu soo qabqabtay howlgal laga sameeyay qaar ka mid ah xaafadaha magaalada
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee maamulka Jubba, Maxamed Warsame Faarax (Darwiish) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ciidanka ay ku guulaysteen qabashada 200 oo walxaha qarxa, kuwaas oo ka mid yihiin miinooyinka dhulka lagu aaso, garnaylada gacanta iyo kuwa kale.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Kismaayo