Kismaayo (Caasimada Online) –Iftiin Xasan Baasto oo ka mid ah ragii wax ka saxiixay hishiiskii Muqdisho ee arrimaha Jubooyinka ayaa si weyn uga horyimid wasiirada uu Ahmed Madoobe dhawaan uga dhawaaqay Kismaayo.
Hogaamiyayaashii mucaaradka ahaa ee wax ka saxiixay hishiiskii Muqdisho oo uu Iftiin Xasan ku jiro ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho waxaana ay sheegeen inay tahay wax aan la aqbali karin wasiirada uu ku dhawaaqay Ahmed Madoobe.
Haddaba kadib shirkaasi ayaa Iftiin Xasan Baasto waxa uu sheegay in hishiiskii Muqdisho lagu gaaray qodob ka mid ah uu dhigayey cidii ka baxday in loo aqoonsan doono danbiile QARAN. Sidaasi darteedna Ahmed Madoobe ayaa qodobkaasi ku sifoobay oo wasiiro ku dhawaaqay.
” Qodob ka mid ah hishiiskii Muqdisho waxaa uu dhigayey cidii ka hortimaada hishiiskaasi in loo aqoonsan doono danbiile QARAN sidaasi darteed waxaa muuqa Ahmed Madoobe oo wasiiro isaga dhawaaqday.” ayuu yiri Iftiin Xasan Baasto oo sheegay inay arrintaasi ku dacweeyeen una gudbiyeen dowlada Ethiopia.
” Dowlada Ethiopia waan u gudbinay in uu Ahmed Madoobe jabiyey hishiiskii aanu gaarnay. Waxaana sugeynaa jawaabta ay ka bixiyaan maadaama ay iyaga ballanqaadeen fullinta hishiiskaasi. Hadddii aan arrintaasi wax laga qabana waxaan cadeynayaa inuu hishiiskaasi burburay oo ay dhankooda wasiiro soo magacaabi doonaan.” ayuu yiri Ifitiin Xasan Baasto oo ka mid ahaa ragii madaxweynenimada Jubaland sheegtay.
Dhinaca kale waxaa uu ku eedeeyey Ahmed Madoobe inuu ka baxay fulinta qodobkii dhigayey in ciidanka banaanka jooga lagu soo celiyo magaalada Kismaayo, isagoona sheegay in dhankooda iyo dowlada ay diyaariyeen saraakiishii howshasi fududeyn laheyd.
” Ahmed Madoobe dhankiisa ayey ka jiiftaa fulinta ciidankii la soo celin lahaa mana uusan soo dirin saraakiishii howshaasi nagala shaqeyn laheyd laakiin anaga iyo dowlada waa diyaarinay howshaasi’ ayuu yiri Iftiin Xasan Baasto.
Hogaamiye Abdiqadir Suldaan Lugadheere oo horey uga mid ahaa mucaaradka maamulka Jubba haddana loo magacaabay Madaxweyne kuxigeenka labaad ee maamulka Jubba ayuu ku sheegay inuusan awalba iyaga ka tirsaneyn ee uu ahaa nin ka socday Ahmed Madoobe.
” Hishiiska awalba laba qeybood ayuu u dhexeeyey waana qabka Ahmed Madoobe iyo dhankeena sidaasi darteed Suldaan lugadheere waxa uu ka socday dhanka Ahmed Madoobe oo namaga tirsaneyn. Marka waxa hishiiska lala galay waa kooxdeena mana dhicin inuu Ahmed Madoobe hirgeliyo” ayuu yiri Iftiin Xasan Baasto.
Ugu danbeyntiina waxaa uu sheegay inuu xalka Jubooyinka uu ku jiro wadahadal sidaasi darteed wixii jira ay muhiim tahay in wadahadal lagu dhameeyo. Hadalka mucaaradkan ayaana imaanaya xilli dhowr cisho ka hor uu Ahmed Madoobe ku dhawaaqay qaarka mid ah golihiisa wasiirada.
Halkan ka dhageyso wareysiga
Iftiin-Xasan-Baasto-Waraysi-gaar-ah
Isha: Kismaayo24