Mas’uul ka tirsan maamulka Jubaland oo xalay qarax lagu weeraray + Khasaaraha

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lala beegsaday mas’uul ka tirsan maamulka Jubbaland.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Farjano, gaar ahaan laanta Siinaay, iyada oo lagu weeraray hoy uu halkaas ka dagan yahay madaxa howlaha Dekedda Kismaayo.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan 2 qof oo middi ay tahay Haweeney xaamilo aheyd iyo wiil ay dhashay, halka uu ku dhaawacmay wiil 14 kale jir ah.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jiro qoyska reerka, sida uu shaaciyey  Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland Jaamac Axmed Cali (Joofane).

“Qaraxa waxa uu ka dhacay Guriga Madaxa howlaha Dekedda Kismaayo, waxaa ku dhintay Haweeney Xaamilo ah iyo wiil ay dhashay waxaana ku dhaawacmay wiil 14 jir ah oo isla qoyska ah, Ciidamadu qaraxa kaddib waxa ay sameeyeen howlgallo” ayuu yiri Jaamac.

Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay in qaraxa, kadib ciidamada ammaanka ay sameeyeen howlgallo baaritaano ah, isla-markaana ay kusoo qabteen dad koe u dhaafaya 20 ruux.

“Howlgallo ka dhacay Kismaayo waxaa lagu xiray Dad badan, ku dhawaad 20 ruux oo kamid ah Dadkaas oo la tuhmayo ayay baaris ku wadaan Hay’adaha ammaanka, qaraxyo ayaa gacanta lagu dhigay oo laga hortagay” ayuu sii raaciyey Afhayeenka Wasaaradda.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Kismaayo ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo qaraxyo geystay khasaare kala duwan.