Masuul ka tirsan xafiiska r/wasaaraha oo la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Masuul ka tirsanaa xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa kooxo hubeysan waxay ku dileen degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir, halkaasi oo masuulka uu ku sugnaa.

Dilka ayaa waxaa loo geystay Saciid Cali Saalax, oo ka tirsanaa xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah oo ku sugan degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa dhacay kadib markii kooxaha hubeysan ay rasaas ku fureen gaari uu la socday Saciid Cali Saalax oo la sheegay inuu ka shaqeynayay xafiiska ra’isul wasaaraha dalka.

Goobjoogayaasha ayaa inoo sheegay in dilka kadib kooxaha hubeysan ay baxsadeen maadaama goobta ciidan ka tirsan dowlada Soomaaliya aysan ka agdhaweyn.

Agagaarka masjidka macalin Nuur ee degmada Dharkeynley ayaana dilka uu ka dhacay.

Lasoco waxii kusoo kordhaa insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com