Mas’uul ka tirsan maamulka gobolka oo lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu khaarijiyay Cabdullaahi Sheekh Axmed, guddoomiyihii Waaxda Xalane ee degmada Wadajir.

 

Sida wararku sheegayaan, koox hubeysan oo bastoolado ku hubeysnaa ayaa marxuumka rasaas kaga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa, iyagoo markiiba goobta ka baxsaday.

Maamulka degmada Wadajir oo ka hadlay falkan ayaa sheegay in marxuum Cabdullaahi Sheekh Axmed uu ahaa masuul si hagar la’aan ah ugu adeegayay horumarka degmada, kana mid ahaa tiirarka muhiimka ah ee maamulka.

“Marxuumku wuxuu ahaa shaqsi karti iyo daacadnimo ku suntan, horumarkana door weyn ka qaadanayay. Nasiib darro, gacan ka xaq daran ayaa dishay, balse dadaalkiisii iyo waxqabadkiisii weli waa la xasuusan doonaa,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka degmada Wadajir.

Sidoo kale waxaa lagu yiri bayaanka: “Maamulka degmada wuxuu ballan-qaadayaa in aan la aqbali doonin in falkaas foosha xun uu si sahlan ku dhaafo, waxaana la daba joogi doonaa arxanlaawayaashii ka dambeeyay dilka, si sharciga loo horkeeno, loogana guto cadaaladda marxuumka.”

Dilka guddoomiyihii Waaxda Xalane wuxuu kusoo beegmayaa xilli Muqdisho ay bilooyinkii la soo dhaafay hoos u dhacday tirada weerarrada qorsheysan ee lala beegsanayo masuuliyiinta dowladda iyo ciidamada ammaanka.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka kasoo baxay maamulka degmada Wadajir:

Maamulka Degmada Wadajir waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qaraabada, asxaabta iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaah u naxariistee Cabdullaahi Shiiq Axmed, Guddoomiyihii Waaxda Xalane ee Degmada Wadajir.

Marxuumku wuxuu ahaa halyeey karti iyo daacadnimo ku suntan, oo si hagar la’aan ah ugu shaqeynayay horumarka degmada. Wuxuu ahaa tiir adag oo ka mid ah maamulka, gacanta midigna u ahaa geeddi-socodka horumarka.

Nasiib darro, gacan ka xaq daran ayaa dishay, balse waxqabadkiisii iyo dedaalkiisii lama illaawi doono.

Maamulka Degmada Wadajir waxa uu ballan qaadayaa in aan la aqbali doonin in falkaas foosha xun uu si sahlan ku dhaafo, waxaana la daba joogi doonaa arxanlaawayaashii ka dambeeyay dilka, si sharciga loo horkeeno, loogana guto cadaaladda marxuumka.

Rabbi ha u naxariisto, Janatul Firdowsana ha ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ha ka siiyo dhammaan ehelkiisa iyo shacabka Soomaaliyeed.