Masuul maamulka Kismayo ka tirsanaa oo la toogtay

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil xalay mas’uul ka tirsanaa maamulka degmada Kismaayo loogu geystay gudaha magaaladaasi.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Axmed Buula Ibrahim, kaas oo ahaa gudoomiyihii xaafadda Via Afmadow, magaalada kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland.

Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online in mas’uulkaasi ay toogasho ku dileen kooxo ku hubeysnaa Bistoolado oo durba goobta isaga baxsaday.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta uu dilku ka dhacay ay gaaareen door dambe saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo howlgallo lagu baadi goobayo raggii fuliyey dilka ka bilaabay xaafadda Via Afmadow ee degmada kismaayo.

Illaa iyo hadda ma jirto cid loo soo qabtay toogashadaasi, balse baaritaanada ayaa lagu soo warramayaa in weli ay  ka socdaan gudaha degmadaasi.

Xaaladda ammaana ee magaallo Xeebeedka Kismaayo ayaa muddooyinkii la soo dgaafay  aad u xumaa iyadoo ay ka dhacayeen dilal qorsheysan oo qaarkood loo geystay nabadoono caanka ah deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com