Dagaal ka qarxay Diinsoor, kadib weerar lagu qaaday gudoomiyihii degmadaasi

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan goor dhow ka qarxay gudaha degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Dagaalka oo ah mid culus ayaa yimid, kadib markii ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo kuwa Itoobiya ay weerareen hoyga guddoomiyihii xilka laga qaaday ee magaaladaasi, Mudane Ibraahim Maxamed Nuur (Shik-Shigow).

Wararka ayaa sheegaya inay iska caabin sameynayaan ciidamo daacad u ah guddoomiyaha oo ka horyimid xil ka qaadista lagu sameeyey.

Ku dhowaad 10 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen dagaallkaasi, kuwaas oo isugu jira dhinacyadii dagalamayey iyo dad rayid ah

Xiisadan ayaa sameyn xoogan ku yeelatay dhaq dhaqaaq guud ee magaaladaasi, iyadoo ay xirmeen goobaha waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga degmadaasi.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo kan Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku aadan dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaan guud ahaan gacan ku heynta degmada la wareegay ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
caasimada@live.com