Xubnaha xiran ee xisbiga Wadani oo loo wareejiyey xabsiga MANDHEERA

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Wadani, Cabdiraxmaan Cirro oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay gudaha degmada Hargeysa ayaa si kulu uga hadlay xiisada siyaasadeed ee maanta ka taagan gudaha magaaladaasi.

Cirro ayaa ugu horreyn sheegay in la rasaaseeyey, xilli uu sii galayey xarunta xisbiga oo la geeyey ciidamo ka tirsan Booliska Somaliland, wuxuuna tilmaamay in xukuumadda Muuse Biixi ay ku ciyaareyso nabadda gelyada, iyadoo adeegsaneyso ciidanka Qaranka.

“Xukuumaddu iyada ayaa nabad gelyada ku ciyaaraysa, xisbina xaq looguma laha in xaruntoodu xoog lagu qabsado, xukuumadda waxa aan ugu baaqayaa in aanay xaalad abuurin.” ayuu yri guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu ka walaacsan yahay xarigga xoghayaha xisbiga Wadani, Khadar Cabdi Xuseen iyo afhayeenka guud ee xisbigaasi, Barkhad Jaamac Batuun, kuwaas oo uu sheegay in loo wareejiyey xabsi kale.

Guddoomiyaha xisbiga Wadani ayaa sharci darro ku tilmaamay xariga mas’uuliyiintaasi, wuxuuna sheegay inay ka hor imaaneyso dimuqraadiyadda, sida uu hadalka u dhigay.

Sida aan xogta ku helnay xubnaha xisbiga ee xiran ayaa waxaa loo wareejiyey xabsiga Mandheera, taas oo uga sii dareyso xiisada ka taagan magaalada Hargeysa.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo jidadka  magaaladaasi, si ay uga hortagaan dibadbax laga cabsi qabo inuu ka dhoco halkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com