25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Mas’uul sare oo ka tirsan DF Somalia oo maanta lagu dilay magaalada…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in goordhow lagu dilay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay, guddoomiye xaafadeed.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Warbaahinta in guddoomiye xaafadeedka uu toogtay askari ka tirsan dowladda fedaraalka kaddib markii ay murmeen.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ibraahim Madoobe, wuxuuna guddoomiye ka ahaa xaafadda Bardaale ee magaalada Baydhabo sida ay lee yihiin dadka deeganka.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray waxa ay sheegayaan in maamulka Baydhabo ay gacanta ku soo dhigeen askariga dilay guddoomiye xaafadeedka.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay dilka guddoomiye xaafadeedka magaalada Baydhabo.

Aammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaalada berri ka furmaya shir looga hadlaayo maamul u sameenta lix gobal oo ku yaalla koonfur galbeed ee dalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News