Mas’uul xil haye oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ay xalay koox hubeysan ka fulisay qaybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee gobolka Bamaadir, kaas oo loo geystay mas’uul ka tirsanaa maamulka degmadaasi.

Dilka oo ay ka dambeeyeen rag hubeysan ayaa waxaa loo geystay Marxuum Cismaan Maxamuud Cabdi oo ahaa guddoomiyaha laanta Dalxiis ee degmada Yaaqshiid, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale Cismaan ayaa ahaa Sarkaal ka tirsanaa Guutada shanaad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo ay baxsadeen raggii toogashada ku dilay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa sidoo kale goobta gaaray, waxayna sameeyeen howlgallo, kadib dilka mas’uulkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada Yaaqshiid oo ku aadan dhacdadaasi.

Falkan dilka ah ayaa qayb ka noqonaya dhibaatooyinka amni darrada ah ee ka dhacaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli dalka uu ku jiro xaalad kala guur ah oo ka dhalatay daaha doorashooyinka ee 2022-ka.