Mas’uuliyiintii degmooyinka GEDO ee DFS ay xilalka ka qaaday oo Kismaayo tagay

Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah guddoomiyaashii degmooyinka gobalka Gedo oo ku biiray dowladda Soomaaliya islamarkaana xilalkii laga qaaday ayaa dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in mas’uuliyiintaan oo ka tagay Jubbaland islamarkaana isu dhiibay dowladda Soomaaliya ay dib ugu laabteen maamulkooda kadib markii ay waayeen rabitaankii ay usoo galeen dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaasha tagay Kismaayo waxaa kmaid ah guddoomiyaasha degmooyinka Garbahaareey, Luuq iyo ku-xigeenka guddoomiyaha Baardheere iyo saraakiil kale oo muhiim ah oo ka tirsanaa dowladda federaalka Soomaaliya kuwaas oo ka tirsanaa maamulka gobalka Gedo.

Xubnahan ayaa markii ay kacsaneyd xiisadda Gedo laga soo gooyey Jubaland, loona adeegsaday in cadaadis la saaro maamulka Axmed Madoobe, taasi oo shaqeyn weysay, kadibna xilalkii laga qaaday.

Lama oga sababta ay mas’uuliyiintaan ugu laabteen maamulkii ay ka soo tageen, hase yeeshee warar hordhac ah ayaa sheegaya in looga baxay ballamo badan oo ay la gashay dowladda Soomaaliya.

Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland oo arrintaan ku saabsan.

Khilaaf raagay ayaa u dhaxeeya maamulka Jubbaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya kaas oo soo taagnaa muddo dheer islamarkaana saameeyay shaqooyin badan oo muhiim ah.