HirShabelle cabsi ma ka qabtaa in DF Soomaaliya ay fara-geliso doorashadeeda?

Jowhar (Caasimada Online) – HirShabelle oo ah maamulkii u dambeeyey ee ka aas-aasmay dalka ayaa ahaatan u diyaar garoobeyso doorashada guud ee maamulkaasi.

Xildhibaan Nuur Xaashi oo ka mid ah Mudanayaasha baarlamaanka maamulkaasi oo u warramay Mustaqbal ayaa ka hadlay arrimaha doorashada ee maamulkaasi iyo haddii ay jirto cabsi ay ka qabaan in dowladda federaalka ah ay fara-geliso doorashada HirShabelle.

Mr Xaashi ayaa sheegay in aysan cabsi ka qabin fara-gelin toos ah oo uga imaata dowladda dhexe, isaga oo sheegay in kaalinteedu ay tahay kaliya kor joogteynta doorashadaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in nidaamka dhismaha uu yahay mid ay ku qanacsan tahay dowladda Soomaaliya, islamarkaana aysan HirShabelle mucaarad aheyn.

“Cabsi kama qabno Hir-Shabeelle ahaan in DFS ay farageliso Doorashada, waxa ay kaalin ku leedahay in ay kor joogteyso sida ay wax u socdaan, Nidaamka Dhismaha waa mid ay ku qanacsan tahay Dowladda oo maamulka mucaarad kuma ahan DFS” ayuu yiri Xil. Nuur.

Dhinaca kale wuxuu faah faahin ka bixiyey u diyaar garowga doorashada iyo qorshaha uu wada maamulka, isaga oo hoosta ka xariiqay inay si wanaagsan wax u socdaan.

“Si wanaagsan ayay wax u socdaan, kaalin dastuuri ah ayay ku leedahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Dhismaha Maamulka, kor joogteyn iyo wax toosin, Hir-Shabeelle Dowladdu uma aragto khatar mucaaradnimo”. ayuu sii raaciyey Xildhibaanka  oo ka tirsan Baarlamaanka HirShabelle.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in laga wada shaqeyo midnimada iyo horumarka maamulkas, si looga gudbo caqabadaha ka jira gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

HirShabelle ayaa dhowaan ku dhaqaaqay guddiga soo xulista baarlamaanka 2-aad ee maamulkaasi, waxaana xigi doono doorashada Madaxweynaha.

Isha ayaa si weyn loogu hayaa doorashadaasi, gaar ahaan waxa ay uga duwanaan doonto tii Galmudug oo door muuqda ay ku laheyd dowladda federaalka ah ee Soomaalliya