Sawirro: DF oo khubaro u dirtay garoonka Beledweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah Soomaaliya ayaa maanta wafdi u dirtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada ee xukumadda federaalka Soomaaliya, Xersi Rooble, waxaana ku wehlinaya socdaalka maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ,Axmed Macallin Xasan.

Sidoo kale waxaa wafdigaasi ka mid ah qubaro ajaaniib ah oo ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay u dirtay garoonka Beledweyne, kuwaas oo indho indheyn doono garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaaladaasi.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismsan iyo mas’uuliyiin kale ayaa wafdigan ku soo dhoweeyey gudaha magaalada Beledweyne, waxaana la sheegay in sidoo kale ay dhagax dhigo doonaan mashruuc laga fulin doono daroonka iyo tababar loo furayo shaqaalaha garoonka, kaas oo kor loogu qaadayo aqoontooda.

Garoonka Beledweyne ayaa u baahan dib dayactir ballaaran, waxaana dhowaan ku dhacday diyaarad sahay u siday ciidamada Jabuuti, taas oo laga lahaa wadanka Kenya.