Xuseen Cabdi Xalane oo shaaciyey xaqiiqda maqnaanshaha Puntland iyo Jubaland

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane ayaa ka hadlay ka maqnaashihii shirkii Dhuusamareeb-3 ee madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, isagoo sheegay in aysanba jirin sabab ay uga soo qeyb geli kareen.

Waxa uu sheegay in ka maqnaashihii Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ee shirkii Dhuusamareeb-3 ay sababeen talaabooyin is biirsaday oo uu madaxweynuhu qaaday, kuwaas oo kala ah inuu ka tanaasuli diiday in wixii kasoo baxa shirkaas baarlamaanka la hor geynayo iyo in uusan soo dhisin xukuumad cusub.

Sidoo kale Xuseen Xalane waxa uu sheegay in shirkii Dhuusamareeb-3 uu hor seeday isku soo dhawaansho, isla markaana ay markii ugu Villa Somalia ka tanaasushay noocii doorasho ee mudada dheer ay ku dhaganeed.

Xalane waxa uu sheegay in hada madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ay ogolaadeen inay Muqdisho yimaadaan, si la isula qaato wixii ay ka qabaana looga qanciyo qodobadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb-3.

Ex wasiir Xuseen Cabdi Xalane oo wareysigan siiyey VOA waxa uu sidoo kale ka hadlay, hanaanka xibsiyada badan, siyaadadda iyo xiriirka waddamada gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka ka dhaxayn kara dhaqanka iyo siyaasadda.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga