Nin hubeysan oo dil iyo dhaawac u gaystay ciidan, saraakiil iyo dad shacab ah

Dhoobley (Caasimada Online) – Wararka caawa naga soo gaarayo magaalada Dhoobley ee gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in nin hubeysan uu dhaawacyo iyo dilba ka geestay magaalada Dhoobley.

Xogta aan helnay ayaa sheegeyso in ninkaan oo ka tirsan ciidanka daraawiishta maamulka Jubbaland, uu xalay laba nin oo xamaali ah midna ku dilay Dhoobley kan kalane ku dhaawacay kadib markii ragaas ay la dagaaleen wiil uu dhalay.

Ciidan isku dhaf ah oo isugu jira boolis iyo daraawiish ayaa maanta gelinkii dambe ninkaan oo baxsad ah ka helay duleedka magaalada waxaana la sheegay in is rasaaseen dhaxmartay ay ku dhaawacmeen taliyaha daraawiishta ee Dhoobley iyo taliyaha booliska iyo ku xigeenkiisa ee isla magaaladaas. Sidoo kale waxa uu dhaawac soo gaaray ninkii baxsadka ahaa.

Dhamaan dadkaan oo qaarkood qaba dhaawacyo culus ayaa caawa lagu dabiibayaa Isbitaal ku yaalla Dhoobley oo ah magaalo xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ku taalla.

Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland iyo kuwa ammaanka waxaana la soo sheegayaa in arrintan ay abuurtay cabsi iyo hadal heyn xoog leh.

Falkaan ayaa dhacay gelinkii dambe ee maanta, waxaana la sheegayaa in hadda ammaanka aad loo adkeeyay islamarkaana uu jiro dhaq dhaqaaq ay wadaan mas’uuliyiinta maamulka magaalada Dhoobley ee gobalka Jubada Hoose.