4 faa’iido oo Farmaajo uu ka helay magacaabis la’aanta ra’iisal wasaaraha cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa bishii labaad dowladda Soomaaliya ay tahay Ra’iisal wasaare la’aan iyo xukuumad rasmi ah oo aan jirin, kadib markii Baaralmaanku riday xukuumadii hore, isla markaana uu is casilay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre 25-kii July 2020.

Ka sokow in dalku ku jiro xaalad kala guur ah oo ua baahan xukuumad degdeg loo dhiso. haddana waxaa la dareemay inuu Madaxweyne Farmaajo si ulakac ah u daahinayo magacaabidda Ra’iisal wasaaraha, taasoo uu ku gaaray guulo siyaasadeed xilligan xasaasiga ah.

Guulaha Madaxweynaha Farmaajo ka helay intii uu ra’iisal wasaare la’aanta dalku ahaa waxaa ugu waaweyn:

1– Inuu isku noqday Madaxweyne iyo Ra’iisal wasaare

Madaxweynaha wuxuu helay awood aan laga daba hadlin, wixii ka dambeeyay markii la riday xukuumaddii Kheyre, wuxuuna isku nqoday Madaxweyne iyo Ra’iisal wasaare isku heysta labadii awood ee Madaxtooyada iyo xukuumadda, isagoo ku-sime u magacaabay Ra’iisal wasaare ku xigeenkii hore.

2- Fulinta iyo meel-marinta Heshiisyo iyo Qorsheyaal xasaasi ah

Intii dalku Ra’iisal wasaare la’aanta ahaa wuxuu madaxweynaha meel mariyey oo xukuumadda xilka sii heysa u fulisay qorshayaal hore la isku mari waayey, sida magacaabidda xubnaha Golaha Adeegga garsoorka, Guddiga Hay’adda Batroolka oo xasaasi ah, waxaana la sameeyay magacaabis kala duwan.

3- Go’aan ka gaarista Doorashada 2020/20213

Qodobka ugu muhiimsan ee Madaxweyne Farmaajo ka faa’iiday maqnaanshaha Ra’iisal wasaaraha waa inuusan jirin mas’uul dhinac jooga oo talo ku yeelan kara go’aan ka gaarista Doorashada soo socota, taasoo ahayd sababta khilaafka keentay oo soo dedejisay in xilka laga tuuro Ra’iisal wasaarihii hore.

4- Aamusinta Siyaasiyiinta iyo xildhibaannada

Xilalka la sugayo ee Ra’iisal wasaaraha iyo Wasiirada cusub ee la magacaabi doono, waxay Madaxweynaha siiyeen awood KMG ah oo dhalisay in siyaasiyiinta iyo xildhibaannada rajada ka leh xilalkaasi ay ku dhiiraan waayaan inay mucaaradaan ama ka hor yimaadaan Madaxweynaha. Taas bedelkeed haddii madaxweynaha ku degdegi lahaa magacaabidda Ra’iisal wasaaraha iyo xukuumad cusub waxay dhalin lahayd mucaaradnimo xoog leh oo ay kala hor yimaadaan ragga xilalkaasi kusoo bixi waayey, waxaana ku furmi lahaa aag cusub.

Waxaa cad in Madaxweyne Farmaajo uu heysto guddoonka Golihii Shacabka ee la xisaabtami lahaa, isla markaana sida uu rabo ugu hirgalay qorshahan dib u dhigista magacaabista Ra’iisal wasaare cusub, laakiin ay tahay dhibaato uu dib u dhigtay oo kaliya.

Xigasho: goobjooge.net