Maxkamadda G/Banaadir oo maanta xukun adag ku riday ganacsade caan ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun adag ku riday ganacsade caan ka ah magaalada Muqdisho kaas oo lagu helay dambi ah inuu shaqo galiyay shirkad u shaqeysa sida bangiyada balse aan shati ka heysan dowladda.

Ganacsadahaan oo magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Axmed Maxamed (Xaaji Gaabow) ayaa xafiiska xeer ilaalinta kusoo eedeeyeen inuu furtay xafiis ganacsi oo u shaqeynayay sida bangiyada balse aan la aqoonsaneyn.

Dr. Cabdiraxmaan Saciid Axmed oo ah garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay xukunka dambiilaha, wuxuuna sheegay in Cabdullaahi Axmed Maxamed lagu xukumay saddex sano oo xarig ah iyo lacag dhan 9,2000$.

Ganacsadaha la xukumay, waxaa u furan inuu racfaan qaato qaadan karo inta loo ogol yahay muddo 30-maalmood ah.