Caynte: Musuq-maasuqa hadda ka jira Soomaaliya waxaa billaabay Farmaajo

Nairobi (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte ayaa aaminsan in Madaxweyne Farmaajo aysan u furneen waddo uu ku diido musuq-maasuqa ka jira Soomaaliya.

Caynte wuxuu qabaa in madaxweynaha hadda talada haya uu yahay shaqsi kusoo baxay hanaanka is-dabamarinta iyo laaluush bixinta mar uu ka qeyb galayay kulan ay soo qaban-qaabiyeen hawlwadeenada Machadka Daraasaadka Hiigsi.

Wasiirkii hore wuxuu sheegay in Farmaajo uu laaluush ku bixiyay doorashadii lagu doortay horaantii 2017, sidaas darteed aysan muuqan sabab uu kula dagaalamo musuq-maasuqa.

Dhawaan ayey aheyd markii xukunno kala duwan lagu riday hawlwadeeno ka tirsanaa wasaaradaha caafimaadka, kalluumeysiga iyo warfaadinta kuwaas oo lagu eedeeyay musuq-maasuq.

“Waxaan arkay rag agaasimayaal ah oo loo heysto lacag ay ka dhaceen wasaaradda caafimaadka, ninka hogaamiya wadanka ayaa bilaabay, aniga waxaan rabaa in qofka uu isaga marka hore nadiif yahay, markaas ayuu wax diidi karaa,” ayuu yiri Caynte.

Dhanka kale Cabdiraxmaan Caynte wuxuu carabka ku dhuftay in xukuumadda hadda jirta ay ku fashilantay qeybo ka mid ah hirgalinta heshiiskii London, kuwaas oo ay ugu weyn yahiin dastuurka iyo cod bixinta.

Wuxuu sidoo kale intaas raaciyay in codeynta soo socota ay wakhtigeeda ku dhacdo si loo helo xasilooni siyaasadeed oo dalka iyo dowladnimada u wanaagsan.