Mas’uuliyin ka tirsan DF oo cabsi ay soo food-saartay kadib olole ay billowday DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in cabsi xoogan ay lasoo daristay mas’uuliyiin xilal kala duwan ka haya dowlada federaalka ah ee Somalia, xilli dowladda ay waddo olele cusub.

Mas’uuliyiinta ay soo wajahday cabsida ayaa waxaa la xaqiijiyay inay kamid yihiin Wasiiro, Ku-xigeeno, Agaasimayaal wasaaradeed iyo Agaasimo waaxyo ka tirsan Dowlada Somalia.

Cabsida lasoo daristay mas’uuliyiintan ayaa la sheegay inay tahay mid ka dhalatay weerarada iyo xariga wada socda ee lagu hayo mas’uuliyiinta lagu eedeeyay kiisaska musuqa.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in tirro Wasiiro iyo Agaasimayaal ka tirsan Xukuumada ay isaga baxeen Hooygooda kuwaa oo degay Hoteelada magaalada Muqdisho.

Wasiirada iyo Agaasimayaasha ka guuray guryahooda ayaa baqdin ka muujiyay in ciidamada dowlada ay uga soo dhacaan darbiyada isla markaana lagu xiro Hooygooda, taa oo ay ka doorbideen inay u hoyasho tagaan Hoteelada.

Cabsida ugu badan ayaa lasoo sheegayaa inay tahay mid soo foodsaartay Agaasimayaasha Wasaaradaha kuwaa oo inta badan saaxiib u noqday musuqa iyo isdabamarinta hantida Qaranka, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in xariga Wasiir ku-xigeenka Wasaarada arrimaha dibadda Somalia kadib ay xigi doonaan kuwo kale.

Dowlada Somalia ayaa dhwor jeer oo sii horeysay ka digtay musuqa oo xiligaa lagu eedeeyay mas’uuliyiin badan oo xilal ka hayay dowlada.

Ma cadda sida uu xaalku noqon doono waxaana arrinta xariga mas’uuliyiinta ku eedeysan musuqa soo dhaweeyay dadka shacabka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Mudisho
Caasimada@live.com