Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay kalfadhiga ugu dambeeya ee ay yeelanayaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, maadaama waqtigooda uu dhamaanayo.
Jawaari ayaa sheegay in maalinta beri oo tallaado ah xildhibaanada kulan ay ku yeelanayaan magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta golaha shacabka, kaasi oo noqonaya kalfadhiga ugu dambeeya oo ay yeelanayaan xildhibaanada haatan jooga.
Wuxuu sheegay in lagu wargelinayo in dhamaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay kasoo qeyb galaan kulanka beri furmaya.
“Waxaan ku wargelinayaa dhamaan Xubnaha Guddiga Joogtada ee Golaha shacabka inay ka soo qaybgalaan Fadhiga koowaad oo ay ku yeelan doonaan Xarunta Guddoonka Bisha April Shanteeda oo maalin Tallaado ku beegan, Guddiga joogtada waa inay wada yimaadaan, si ay u dejiyaan qorshihii howlgalka Baarlamaanka.” Ayuu warkiisa sii raaciyay Jawaari.
Kalfadhigaasi ayaa waxaa sida dastuurta uu qabo daah furi doona madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

