27.8 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Sawirro: Gen. GABRA oo kamid ahaa ragga wax kasoo xariiqay qodobada ay PUNTLAND la timid

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa miisaan culus ku dhex leh qaska iyo Duruufaha Siyaasadeed ee iminka ka taagan guud ahaan dalka, gaar ahaan Gobolada.

Waxaa la rumeysan yahay in Heshiiska mudada dheer ay ka biyo diidaneyd Puntland ee iminka suuragalay in la saxiixo ay sabab u aheyd Dowlada Ethiopia oo kaalin ku laheyd xariiqa Qodobada qaar oo ay la imaaday Puntland.

Puntland ayaa kalsooni buuxda siisay Ethiopia oo ay ka hesho naas-nuujin mid Siyaasadeed iyo mid dhaqaalaba, waxaana iminka halkaani idinkugu heynaa Sawir qaab qarsoodi ah aan uga qaadnay Gen. Gebra oo maalmo un ka hor gaaray magaalada Garoowe kana mid ahaa Ragga wax kasoo xariiqay Qodobada la kala saxiixday.

Gen. Gebra waxa uu magaalada Garoowe uga horeeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia Tedros Adhanom, isaga oo Ethiopia ay u xilsaartay kala fududeynta danaha guud ee DF, Puntland iyo in Ethiopia ay macaash Siyaasadeed ku dhex leedahay Siyaasada Somalia.

Gen. Gebra waxa uu diidanaa in laga qaado Sawirada laga qaadaayo Madaxda kale, balse waxaa si qarsoodi ah u suuragashay inaan Sawir qaab hoose uga qaadno Gebra oo ku guda jira Howlihii ay Ethiopia u wakiilatay oo ahaa qaska iyo sii kala fogeynta Soomaalida.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA LAGA SOO QAADAY
2

3

- Advertisement -

Read more

Local News