Warar cusub oo kasoo kordhay wada-hadallada Addis-Ababa (Warbixin)

Addis Ababa (Caasimada Online) Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa sheegaya in weli labad dhinac ee halkaas ku shiraya uu ka muuqdo kala sii fogaansho, taasoo laga cabsi qabo in aakhirka ay keento in uu burburo shirka.

Sida qorshaha uu ahaa xaley ayaa lagu waday in shirka uu soo dhammaado, balse waxaa soo baxay kala fikir duwanaansho labada dhinac ah, kaasoo mid kasta ku dhaggan qoddomo muhiim uu arkay.

Ilo xog-gaal oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegay in xubnaha ka socda IGAD, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo diplomaasiyiinta kale ee shirka ku sugan saakay ay u imaan wafdiga labada dhinac, waxaana ay aadeen shirka kale oo looga hadlaayay arrimaha ammaanka gobalka.

Saakay iyo ilaa galabta wax kulan ah oo dhacay ma jirin, waxaana caawa la sheegayaa in labada dhinac ay ku jiraan kulamo gaar-gaar ah, waxaana arrimahan dadada ka riixaya dowladdaha Ethiopia iyo Kenya.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay lee yihiin qoddobo kal hore heshiis laga gaaray ayaa hadda lagu kala booday, waxaana ka mid ah sida loo maaluyo dhaqaalaha dekedda iyo garoonka Kismaayo. Qodobkan ayaa ah kan ugu weyn ee hadda heshiiska uu u xayiran yahay.

Sida ballanta ahayd waxaa maamulka dekedda iyo garoonka lagu wareejiyay dowladda fedaraalka Soomaaliya, balse waxaa muuqda in maamulka Axmed Madoobe uu weli ka meer meerayo.

Si kastaba, shirka wuxuu u xayiran yahay in la sixiixo qoddobada la isku raacay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com