Dimishiq (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ayaa habeenimadii Jimcaha la soo dhaafay la sheegay inay fuliyeen faragelin elektaroonik ah iyo hawlgallo xannibaad isgaarsiineed, iyagoo isku dayaya inay ka hortagaan diyaaradaha Israa’iil ee ka hawlgala hawada Suuriya, xilli uu socday weerar cirka ah oo ballaaran.
Tallaabadan naadirka ah ayaa ku soo beegantay iyadoo diyaaradaha Israa’iil ay duqeymo ka fuliyeen goobo dhowr ah, oo ay ku jiraan gobollada Hama iyo Dimishiq, taasoo si weyn dib ugu soo celisay su’aalaha ku saabsan ku xad-gudubka joogtada ah ee madaxbannaanida Suuriya.
Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Suuriya, SANA, ayaa sheegtay in hal qof rayid ah lagu dilay weerarrada Israa’iil ka geysatay duleedka Harasta iyo magaalada al-Tall ee u dhow caasimadda Dimishiq, iyadoo ay jiraan dhaawacyo kale oo dad shacab ah soo gaaray.
Hay’adda Warbaahinta Israa’iil ayaa xaqiijisay faragelinta Turkiga, iyagoo ku waramay in “diyaarado Turkiga ah ay dirayeen digniino elektaroonik ah isla markaana ay joojinayeen isgaarsiinta diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil si ay uga baxaan hawada Suuriya.”
Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa si isa soo taraysa u muujinayay caro ku saabsan howlgallada sii ballaaranaya ee Israa’iil ka waddo gudaha Suuriya, kuwaasoo Ankara ay u aragto inay khatar ku yihiin danaha dalkeeda iyo xasilloonida gobolka.
Laba maalmood uun ka hor, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa ugu baaqday Israa’iil inay joojiso weerarrada cirka ah, iyadoo sheegtay in “xilligan xasaasiga ah ee ay Suuriya marayso ay muhiim tahay in beesha caalamka ay gacan ka geysato nabadeynta iyo xasilinta dalkaasi.”
Bayaanka wasaaradda ayaa lagu daray, “Israa’iil waa in ay joojisaa weerarrada cirka ah ee wiiqaya dadaallada lagu xoojinayo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Suuriya.”
Sida ay sheegtay Al Jazeera, ilo-wareedyo ayaa xaqiijiyay in helikobtar ciidan oo Israa’iili leedahay ay si kooban ugu degtay magaalada Suweyda, inkastoo aan la shaacin ujeeddada safarkaas degdega ah.
Ciidamada Israa’iil ayaa markii dambe ku dhawaaqay inay beegsadeen saldhigyo gantaalaha difaaca cirka ah iyo nidaamyada gantaallada dhulka-ka-cirka, iyagoo sheegay inay sii wadi doonaan “tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si loo difaaco shacabka Dowladda Israa’iil.”
Weerarkii ugu siyaasadeynta badnaa ayaa dhacay maalintii ka horreysay weerarada kale, meel u dhow qasriga madaxtooyada ee Dimishiq. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Difaaca Yoav Gallant ayaa weerarkaas ku tilmaamay “digniin siyaasadeed” oo loo diray dowladda Suuriya, iyagoo ku hanjabay in aysan aqbali doonin wax ciidamo ah oo la keeno koonfurta Dimishiq ama hanjabaado loo geysto qowmiyadda Druze.
Israa’iil ayaa isku dayaysa inay isu muujiso “ilaaliyaha” qowmiyadda Druze ee Suuriya, iyadoo ku andacooneysa in faragelinteedu ay la xiriirto difaacidda beeshaas.
Si kastaba ha ahaatee, inta badan bulshada Druze ee Suuriya ayaa iska fogeeyay xiriirka Israa’iil, iyadoo Jimcihii duqeyn ka dhacday gobolka Suweyda lagu dilay afar qof oo ka tirsan beeshaas.
Dadka falanqeeya arrimaha gobolka ayaa rumeysan in Israa’iil ay isku dayeyso inay sii wiiqdo Suuriya iyadoo hurinaysa khilaafaadka isir-siyaasadeed ee jira. Israa’iil ayaa si cad u muujisay damaceeda ku aaddan kala qeybinta dalka Suuriya iyadoo loo eegayo qowmiyado iyo mad-habo.
Si kastaba, hoggaamiyeyaasha beesha Druze ayaa dhawaan soo bandhigay muuqaal ay ku caddeynayaan daacadnimadooda Suuriya mideysan, iyagoo si cad u diiday baaqyada ku saabsan gooni-isu-taagga ama kala go’a dalka.
Xilliga dhacdooyinkan ayaa si weyn muhiim u ahaa, maadaama xiisado isir-diyaarsan ay ka dillaaceen xaafado ay ku badan yihiin beesha Druze ee magaalada Dimishiq, kadib markii lasoo faafiyay cod lagu eedeeyay nin ka tirsan beeshaas inuu aflagaadeeyay Nabi Maxamed (NNKH).
Inkasta oo codkaasi la tuhunsan yahay inuu yahay been-abuur, haddana wuxuu horseeday dagaallo hubeysan oo dhexmaray maleeshiyaad Sunni ah iyo kuwa Druze ah, gaar ahaan xaafadaha Ashrafieh Sahnaya iyo Jaramana, iyadoo dowladda Suuriya ay ku howlan tahay dejinta xaaladda.
Dhinaca kale, Turkiga ayaa isu muujiyay inuu yahay xulafada muhiimka ah ee dowladda Suuriya, isagoo shaaciyay inuu xiiseynayo inuu ciidan iyo difaac cirka ah geeyo xarumo istaraatijiyadeed sida saldhigyada T4 iyo Hama, kuwaasoo horey ugu jiray bartilmaameedyada duqeymaha Israa’iil.
Dhinaca Israa’iil, joogitaanka sii kordhaya ee Turkiga ayaa loo arkaa mid halis toos ah ku ah ololaha ay muddo dheer ku dooneyso inay ku ballaariso saameynteeda dhuleed iyo siyaasadeed ee gudaha Suuriya, tan iyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore Bashar al-Assad.