Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashadan golaha shacabka ayaa shaaciyay in maanta oo Sabti ah uu bilaaban doono dhageysiga khudbadaha murashaxiinta guddoonka golaha shacabka.
Xildhibaan Aden Isaaq Cali oo ah xoghayaha guddiga dorashada golaha shacabka ayaa sheegey in dhankooda ay kasoo dhamaatay, isla markaana ay u harsan tahay in la dhageysto Khudbadaha Musharaxiinta.
Xildhibaan Aden Isaaq Cali, waxa uu sheegay in la diyaariyay xitaa qaabka ay u dhici laheyd dhageysiga Musharaxiinta waxa uuna carab dhabay in maanta oo Sabti ah ay dhici doonto dhageysiga Musharaxiinta, waa haddii uusan dhicin amar kale.
Waxa uu sheegay in Ilaa 22 murashax ayaa isu diiwaangelisay tartanka guddoonka doorashada golaha shacabka oo 4 kamid ah ay u taagan yihiin guddoomiyenimada golaha shacabka, halka 6 murashax ay u tartami doonaan guddoomiye ku xigeenka koowaad.
Sidoo kale, 12 murashax oo kamid ah 22 ee is diiwaan galisay ay yihiin kuwo isku heysa jagada guddoomiyaha labaad ee golaha shacabka.
Dhinaca kale, waxa uu sheegay in Doorashada guddoonka golaha shacabka ay dhici doonto maalmaha 11-12 ee bishan Janaayo 2017-ka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

