Nairobi (Caasimada Online) – Wasaaradda Difaaca Kenya ayaa raadinaysa macluumaad iyo caddaymo taageeraya eedaymaha ah in Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ay bililiqaysteen suuqa Westgate xilligii hawlgalka badbaadada, Daily Nation-ta Kenya ayaa warisay.
Xoghayaha Wasaaradda Difaaca Raychelle Omamo ayaa sheegtay in wasaaraddeedu ay eedaymahaas si xoog leh u qaadanayso ayna ka go’antahay in “arrinatn ay salkeeda gaadho”.
“Arrintan, waxaan ka codsanaynaa dadwaynuhu in ay ka qayb galaan iyaga oo na siinaya macluumaad sheegaya in qof ka tirsan shaqalaaha KDF uu ku hawlanaa anshax aan haboonayn xiligii go’doominta suuqa,” ayay bayaan ku tiri. “Fadlan ku kalsoonaada in dhammaan wixii macluumaad ah oo nala siiyo loola dhaqmayo si qarsoodi ah oo heersarreeysa.”
Omamo ayaa difaacday shaqada ciidamada ee Westgate, iyada oo sheegtay in “tixgalin badan iyo taxadarkii loo baahnaa ee xaaladaha qafaalashada ee noocan oo kale ah la sameeyay”, laakiinse waxay ka digtay in akhlaaq darrada aan loo dul qadaanaynin.
“Dhammaan shaqaalaha KDF ee lagu helo in ay arrintan ka mas’uul yihiin waxaa loola dhaqmayaa sida uu sharcigu qabo,” ayay tidhi.
Xildhibaannada ayaa sheegay in askarigii dambi lagu helo lagu ganaaxo ilaa toban sano oo xadhig ah.
Guddiga Baarlamaanka ee Difaaca iyo Ammaanka ee baadhaya weerarkii iyo xaalado kale oo xidhiidh la leh oo ay ku jirto eedaymo ka dhan ah shaqalaha KDF, ayaa la rajaynayaa in ay warbixintooda ku soo gudbiyaan muddo 30 maalmood ah.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi

