Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa ka socda magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Buulo Xuubey howlgal ballaaran oo ay si wada jir ah ugu qeyb qaadanayaan ciidamada Alfa Group, Nabadsugida, Booliska iyo ciidamada Booliska AMISOM .
Howlgalkan oo ah mid guri guri ayaa waxaa lagu qabqabtay in ka badan 100 dhalinyaro ah, kuwaasi oo baaritaano ay ku wadaan ciidamada iskaashanaya ee ka qeyb qaadanaya howlgalkan qorsheysan.
Sida uu kusoo waramayo Wariyaheena Muqdisho oo soo sheegayo in howlgalkan uu ka gedisan yahay kuwii horay ugu dhici jiray Muqdisho, walow xiligii danbe ee caawa uu yara gaabtay.
Howlgalkan ayaa wuxuu kusoo beegmay xili habeen hore kooxo aan la garaneyn ay Wadaad caan ka ahaa deegaankaasi ay ku dileen kaasoo lagu magacaabi jiray Macallin Qaasim.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada Online