25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Arag sawirrada: Kulan 3 geesood ah oo Maanta ka dhacay Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay mas’uuliyiinta shirkadda cusub ee la wareegeyso garoonka diyaaradaha caalamiga Aadan Cade iyo shirkadii horey gacanta ugu haysay garoonka SKA, iyadoo shirkadda cusub ee maalinta beri la wareegayso maamulka garoonka laga leeyahay dalka Turkiga.

Kulankaan uu Mudane Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi la yeeshay masuuliyiinta shirkadahaasi SKA iyo shirkada “Favori”  ayaa ahaa mid looga hadlayay howlaha garoonka ka socda iyo sida ay ula wareegeyso shirkadda cusub ee laga leeyahay dalka Turkiga.

Markii uu soo dhamaadey shirka  kadib ayaa  Wasiirka Warfafinta Mudane Cabdulahi Ciilmoge Xirsi la hadley warbahinta Qaranka ayaa tilmaamay in kulankaani uu daba socdey kulamo hore oo looga tashanayey sidii howlaha garoonka looga wareejin laha shirkada SKA,  islamarkaana lagu wareejiyo shirkada “Favori” oo shaqada si rasmi ah ula wareegi doonto maalinta berito ah oo ku beegan 15-ka September.

“Shaqada garoonka waxba iskama badalayaan horey ayaan ula kulanay mas’uuliyiinta labada dhinac, u jeedada kulankaanna waxa uu yahay sidii Shirkadan cusub loogu wareejin lahaa garoonka, taasi oo ka dambeysay ansixintii golaha Wasiirada” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka.

Sidoo kale Wasiirka Warfafinta, Boostada iyo Gaadiidka Mudane Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi ayaa xusay in ay jireen shirar kala duwan oo ay la qaateen maamullada labada Shirkadooda kuwaasi oo uu xusay in loogu gogol xaarayay sidii howlaha garoonka loogu wareejin lahaa shirkadda laga leeyahay dalka Turkiga.

“Shirkaddan cusub ee Favori waxa ay howlaha garoonka si rasmi ah u bilaabayaan 3:00 galabnimo, anaguna waxaan u joognaa sidii loo hirgelin lahaa heshiiskaasi ku saabsan in Shirkadii hore ee garoonka maamuli jirtay ee SKA xilka wareejiso, kuna wareejiso shirkadda Favori oo aan rajeyneyno in ay howlaha garoonka wax badan ku soo kordhin doonto” ayuu Ciilmooge hadalkiisa ku soo koobay.

Shirkadan cusub ee la wareegeysa howlaha garoonka ayaa laga filayaa inay wax badan ku soo kordhiso habka uu u shaqeeyo garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

garon3
garon2garon5garon6garon7garon8

- Advertisement -

Read more

Local News