Maxaa ka dhaxeeya hogaan la-wareegista Uhuru Kenyatta iyo inaan la qaban codsigii Soomaaliya ee EAC?

Nairobi (Caasimada Online) – Ururka Bushada Bariga Africa ee East Africa Community (EA) ayaa dib u dhigay inuu eego codsiga Soomaaliya ay uga mid noqoneyso ururkaas.

Intii uu socday shir madaxeedkii 21-aad ee ururkaas oo ku dhacay qaab online ah, ayaa ururka wuxuu sheegay in codsigii Soomaaliya ee ka mid noqoashad aan weli la qaban. 

“Shir madaxeedka wuxuu xusay inaan la billaabin howsha xaqiijinta ee ku biirista Soomaaliya ee EAC, wuxuuna golaha faray in di u eegis lagu sameeyo howshaas,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shir madaxeedka EAC.

Dhanka kale, ururka ayaa tixgeliyey codsiga Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, wuxuuna faray Golaha inuu billaabo howsha xaqiijinta ee ku biiritsya dalkaas ee EAC. 

Ma cadda sababta ururka u qabtay codsiga Congo una diiday kan Soomaaliya oo muddo isku dayeysa inay xubin ka noqoto ururkaas.

Si kastaba, arrintan ayaa timid ayada oo shir madaxeeedka uu guddoomiyaha cusub ee madaxweynayaasha ururuka u doortay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, mana cadda haddii Uhuru uu kaalin ku leeyahay arrintan.

Uhuru ayaa xilkan kala wareegay madaxweynaha Rwanda Pau Kagame.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeyey xiisad xooggan oo salka ku haysa sheegashada Kenya ee qeyb ka mid ah badda Soomaaliya, iyo faro-gelin ay dowladda federaalka sheegtay inay kenya ay ku hayso siyaasadda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Ururka EAC ayaa sidoo kale shir madaxeedkan wuxuu xogahayaha guud ee ururka ugu doortay Dr. Peter Mutuku Mathuki oo Kenyan ah, kaasi oo xilka hayn doona shan sano. Tani waxay sii xoojineysaa saameynta Kenya ee ururka, ayada oo islamarkaana wiiqeysa rajada Soomaaliya ee ka mid noqoshada.