Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa bilaabay in magaalada Muqdisho laga daadgureeyo ciidamada Militeriga ee ku dhex sugan magaalada.
Taliska ayaa ciidamada dib ugu celinaaya furumaha dagaalka ay ku qoran yihiin, halka qaarna la geeyay deegano hoostaga Gobolka Shabellaha Hoose.
Ciidamada laga daad gureynaayo magaalada ayaa waxaa ka madaxbanaan kuwa aan diiwaan gishneyn ee ku labisan dareeska ciidamada.
Wasiirka Gaashandhiga Xukuumada ayaa sheegay inay bilaaben dhaqdhaqaaq ay ciidamada uga sarayaan magaalada si loo kala saaro kuwa ku labisan dareeska ee u diiwan gishan Wasaarada iyo kuwa aan u diiwaan gishneynee Hubka wata.
Wasiirka waxa uu ciidamada ugu baaqay inay u hogaansamaan amarka Taliska, waxa uuna ku taliyay in ciidamada Hubeysan kana tirsan Taliska aysan Hubka ku dhexqaadan magaalada.
Waddooyinka magaalada ayaa waxaa iminka kasii yaraanaya ciidamada ku labisan dareeska ee Hubka wata.
Talaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan Ra’isul wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada ay soo saaren qodobo dhowr ah oo lagu xasilinaayo magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]