Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mahdi Maxamed Guleed ayaa maanta kullan khaasa la qaatay Guddiga Arrimaha Badaha Somalia.
Ra’isul wasaaraha ayaa warbixino ka dhageystay Guddiga waxa ayna si qoto dheer uga warbixiyeen xaaladda aminiga, kheyraadka iyo maamulka Badda.
Wasaaradaha Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda iyo Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, ayaa ugu badnaa mas’uuliyiinta ka xog waramay howlaha ay wadaan.
Wasiirada ayaa ka hadlay fulinta go’aamadii ka soo baxay shirkii London ee la xiriiray arrimaha badaha, gaar ahaan kuwa mudnaanta u leh dawladda Soomaaaliya.
Wasiirka Kalluumeysiga Mudane C/raxmaan Cabdi Xaashi ayaa ka hadlay arrimaha kaluumeysiga sharci darrada ah, waxana uu soo hadal qaaday shir looga hadlayay arrimahaas oo ka dhici lahaa Jaziirada Seychelles oo baaqday, isagoo tilmaamay in arrimihii uu shirkaas u baaqday ay kala xaajoonayaan cida ay quseyso isla markaana uu dhawaan qabsoomi doono shirku.
Marwo Maryan Aweys oo ah Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, ayaa Madasha kusoo bandhigtay sidii loo dhameystiri lahaa turjumidda iyo meel marinta sharciga Badda oo muhiimad weyn u leh dhaqan galkiisa dalkeena.
Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, waxa ay Wasiirku ka codsatay in la dadajiyo loona fududeeyo Wasaaradda wax walba oo gacan ku siin kara sidii uu sharcigani u noqon lahaa mid dhameystiran.
Sidoo kale, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mahdi Maxamed Guleed, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in laga faa’iideysto Kheyraadka ku jira, sidoo kalena loo dadajin lahaa dhismaha ciidanka Ilaalinta Xeebaha ”Coast Guard”.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxa uu intaa raaciyay in Wasiirada laga doonaayo warbixino kaafinkara dowlada, waxa uuna ku baaqay in si degdeg ah lagu soo gudbiyo qeybaha dhiman ee warbixinada.


