Maxaa ka jira in CIIDAMO ka tirsan GALMUDUG ay u gudbeen dowlad degaanka?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Khaalid Cabdi Yuusuf oo ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa ka hadlay xiisad beeleed haatan ka taagan gobolka Qoraxey, gaar ahaan deegaanno u dhow xadka ay wadaagaan maamullada dariska ah ee Galmudug iyo sidoo kaledowlad deegaanka Soomaalida.

Khaalid oo u warramay Shabelle TV ayaa sheegay in xiisaddan ay muddo soo jiitameysay islamarkaana ay haatan kasii dartay, isagoo beeniyey eedeyn uga timid dowlad deegaanka.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Galmudug oo u gudbay dhulka dowlad deegaanka, qaybna ka ah xiisaddaasi.

“Dadku sibeyn isugu xir-xiran yihiin laakiin wax maamulka Galmudug ka tirsan ama ciidamada Galmudug ka mid ah oo halkaa u gudbay ma jirto,”ayuu yiri xildhibaanku.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Liyuus Boolis ee dowlad deegaanka ay qaadeen tallaabo uga sii dareyso xiisadda, isla-markaana ay xir-xireen illaa 10 qof oo shacab ah, kuwaas oo uu tilmaamay in aysan garaneyn illaa iyo hadda meesha ay geeyeen.

“Dadkii shacabka ahaa qayb ka mid ah in ciidamadu ay kaxeysteen dad dhowr iyo 10 gaaraya meel ay illaa iyo hadda geeyeena aan la aqoon inay dileen inay hayaan inay nool yiihiin aanan wax war ah ka heynin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey xildhibaan Khaalid Cabdi.

Ugu dambeyn wuxuu baaq u diray ismaamulka dowlad deegaanka, isaga oo ka codsaday in la qaboojiyo xiisadda ka taagan halkaasi, si aysa uga dhalan waxyeello kale.

Si kastaba, xiisadda ka taagan halkaas ayaa soo jiitameysay, tan Ramadaankii waxaana maleeshiyaadka labada dhinac dhex-maray dagaallo khasaare geystay.