Maxaa ka jira in ciidamo laga qaaday magaalada Muqdisho la geeyey SOMALILAND?

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Somaliland ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo deegaannada maamulkaasi, kadib markii ay ka billowdeen dibad-baxyo waa weyn oo ay soo abaabuleen xisbiyada mucaaradka Somaliland.

Dibad-baxyada oo rabshada watay waxaa ka dhashay gacan ka hadal u dhexeeyey ciidamo Booliska oo rasaas adeegsaday iyo dibad-baxayaasha oo ayaguna dhagaxyo adeegsanayey.

Haddaba maxaa ka jira in ciidamo laga qaaday Muqdisho la geeyey SOMALILAND?

Aqoonyahan Maxamuud Xasan (Musharaf) oo deggan Mareykanka, isla-markaana ka falanqooda arrimaha siyaasadda Somaliland ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray xukuumadda ee ah inuu Cirro ciidamo ka keenay gudaha magaalada Muqdisho.

Musharaf oo wareysi siiyey Shabelle TV ayaa shaaca ka qaaday in hadalkaas uu yahay mid aan la qaadan karin, isla-markaana ka fog xaqiiqda, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa wax aad loogu qoslo Xamarbaa ciidamo ka yimaadeen oo ninka la yiraahdo Cabdiraxmaan Cirro ayaa Xamar ku xiran oo waxaan oo dhan Xamarbaa laga soo abaabulay waa wax ilmaha 5 jirka ah aanu qaadan karin,” ayuu yiri Maxamuud Musharaf.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in xukuumadda lagu heysto kaliya arrinta doorashada oo ay ka gaabisay, balse aysan jirin qorshe kale oo ka dambeeyey dibad-baxa socda.

“Madaxweynaha iyo xukuumadda waxaa lagu heestaa doorashada ay ka baaqsadeen inay qabtaan, arrintaana siyaabo badan ayaa loo caddeeyey,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, ayada oo weli xaaladda ay cakiran tahay waxaana xubnaha mucaaradka ay sii wadaan dibad-baxooda, halka xukuumaddana ay adeegsaneyso ciidamada Booliska, si ay uga hortegaan dibad-baxayaasha isugu soo baxay Somaliland.

Si kastaba, arrintaan ayaa dhaawac weyn u geysaneysa dimuquraadiyadda Somaliland, waxaana isa soo taraya baaqyada loo dirayo dhinacyada isku hayo maamulkaasi.