Maxaa ka jira in DF Somalia ay gudbineyso dacwad ka dhan ah safarkii Gavin?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay ka carootay socdaalkii uu xoghayaha gaashaandhiga Ingiriiska Gavin Williamson ku yimdi caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Wargeyska Geeska Afrika oo ka mid ah kuwa ugu afka dheer Somaliland ayaa sheegay in madaxda sare ee dowladda Somalia ay wax iska weydiiyeen socdaalka uu xoghaye Gavin ku tagay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Sida wargeyska uu yiri,  dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in socdaalkaas iyo ogaysiin la’aanta dawladoodu ay tahay xad gudub ay dawladda Ingiriisku samaysay oo aan laga aamusi karin, waxaana ay ku talisay in sida ugu dhaqsaha badan looga jawaabo.

Raysal wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa wargeyska sheegay inuu yiri in haddii aan jawaab deg deg ah laga bixin socdaalkaas xoghayaha difaaca Ingiriiska ay dawladda UK  ku dhaqaaqi karto talaabooyin kale, waxaanu intaas raaciyay inaan la aqbali Karin in dawladda Ingiriisku ku xad gudubto wax uu ugu yeedhay midnimada Soomaaliya.

Wargeyska ayaa sheegay in la isku qaaday qodobadan:

  1. In sida ugu dhaqsaha badan loogu yeer safiirka Ingiriiska u jooga Muqdisho danjire David  Concar, loona muujiyo dareenka taban ee ay dawladda Soomaaliya ka qabto socdaalka xoghayaha gaashaandhiga Ingiriisku uu ku tagay Hargeysa
  2. In Wasaaradda arrimaha dibaddu ay dhambaal u dirto Wasaaradda arrimha dibadda ee Ingiriiska, taas oo nuxurkeedu noqon doonto dacwad ka dhan ah socdaalka xoghayaha gaashaandhiga ee Ingiriiska.

Si kastaba, ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa Caasimada Online u sheegay inuusan jirin wax qorshe ama dacwad ah oo Soomaaliya ay ka qorsheysay safarka Gavin Williamson ee Hargeysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com