26.3 C
Mogadishu
Sunday, June 7, 2026

Maxaa ka jira in DF Somalia ay lacag siisey madaxweyne ku xigeenka Puntland?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey oo kasoo laabtay safar uu ku tagay waddamada Zambia iyo Kenya ayaa ka hadlay socdaalkiisa, arrimo la xariiray mowqifkiisa shirka Kismaayo iyo qaabka warbaahintu u tabisay warar sheegayay inuu taageero lacageed ka helay xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho.

Camey oo saxaafadda kula hadlayay Garoowe, ayaa beeniyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay siisay lacag xilli uu sii maray Muqdisho kahor intuusan tagi magaalada Nairobi.

“Waxyaabo faro badan bay ila tahay ayaa miidiyadu sheeg sheegaysay, waxaan cadaynayaaa inaysan jirin cid aan kula kulmay Xamar sii socodkii iyo soo socodkii, lacag la i siiyay oo markaa uga baahnaa dowladda Federaalka Soomaaliyana inaysan jirin,” Ayuu yiri Camey.

“Dadka Bayroolka dowladda ku jira ee burushka Xaaraanta ah sita, waxaan leeyahay war umadda u tura idinkuna la fihiina u tura, waxaan leeyahay wararka beenta ah ee la fidinayo ha la joojiyo.” ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo aan caddayn cidda uu hadalkaas ula jeedo, balse markii uu ka dhoofayay magaalada Garoowe maalmo kahor waxaa joogay TV-ga dowladda kuwaasoo ka duubay codkii uu kaga hadlay shirka Kismaayo ee warbaahintu isticmaashay kaasoo dhaliyay muranka badan, waloow TV-ga xukuumadda Puntland laga reebay hadalkaas uu ku naqdiyay shirka Kismaayo qodob wareedkii waqtigaas baxay.

Camey ayaa sidoo kale beeniyay inu aqoon u leeyahay Fahad Yaasiin islamarkaana aysan jirin xiriir labadooda dhex maray. Mar uu ka hadlayay sababta keentay in lagu shaabadeeyo inuu lacag ka qaatay dowladda Soomaliya wuxuu ku macneeyay mowqifkiisa Shirka Kismaayo.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay inuusan jiri doonin fasax dambe uu u qaadanayo inuu la kulmo Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay casuumad u fidisay maamul goboleedyada, si looga xaalo arrimaha taagan isagoo ugu baaqay inay laga shaqeeyo midnimada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News