Xog: Halkee ayuu ka yimid gaarigii xamuulka ahaa ee lagu fuliyey qaraxii Zoobe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo dheeraad ah ayaa waxa uu weli kasoo baxayaa weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, kaa oo ka dhashay khasaaro aad u baaxad weyn.

Khasaaraha ka dhashay weerarka ayaa sii kordhaaya waxa ayna Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho baahisay in khasaaraha dhimasho uu ku dhow yahay 50, halka dhaawacuna uu kor u dhaafay 100 qof, iyadoo la sheegay in dad kale weli ay ku hoos jiraa dhismeyaal ku soo dumay Qaraxa.

Gaariga Qarxay ayaa la sheegay inuu ahaa Gaari Xamuul ah, waxaana lagu sheegay inuu ahaa TM laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qaraxa.

Gaariga ayaa ka imaaday Gobolka Shabellaha Hoose, waxa uuna kasoo galay Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

Wadaha Gaariga ayaa la sheegay inuu awood kusoo jiiray ciidamada dowlada ee ku sugan Siinka dheer, xili lagu hayay baaritaan.

Ciidamada ayaa wadaha gaariga ku xujeeyay damiin balse waxa uu sheegtay nin Ganacsade ahaa oo aan la carabaabin magaciisa, waxaana xigay inuu awood kusoo jiiray ciidamada.

Ciidamada ku sugnaa Siinka dheer oo aan xiligaa heysan gaari ay kusoo eryaan ayaan u suuragalin inay qabtaan, waxaana xigay Qaraxa, kadib markii uu soo galay magaalada Muqdisho.

Gaariga ayaa waxaa saarnaa alaabo u badnaa bagaash waxa uuna qasdigiisu ahaa Hoteel Safaari oo xiligaa uu ka socday Shirk khaas u ahaa mid kamid ah beelaha dega magaalada Muqdisho.

Ciidamo farabadan ayaa la dhigay dhammaan wadooyinkii uu soo maray gaariga, iyadoo ciidamada lagu amray feejignaan dhanka amniga ah.

Magaalada Muqdisho ayaa laga soo bilaabo bishii September marti galineysay dilal iyo Qaraxyo lixaad leh, waxaana arrintaasi loo sababeynayaa mushaar la’aan ku dhacday ciidamada dowlada muddo Seddex bil ah.

Si kastaba ha ahaatee, Meydad iyo dhaawacyo aan la aqoon ayaa buux dhaafiyay Isbitaalada Muqdisho, kuwaa oo ku waxyeeloobay Qaraxii ismiidaaminta ahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com