Maxaa ka jira in FARMAAJO isagoo ogolaaday doorasho dadban la aragti beddelay?

Muqdisho (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaciyey in madaxweyne Farmaajo uu markii hore u dabacsanaa soo jeedinta madaxda kale ee ah in dalka laga qabto doorasho dadban, maadaama sida ay sheegeen aysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah.

Siyaasigan ayaa sheegay in rag kale oo uu ku kalsoonyahay ay madaxweynaha ku cadaadinayaan in uusan ka tanaasulin go’aankiisa ah inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

“Waxaan xog ku haynaa in rag uu madaxweynuhu ku kalsoonyahay ay ku cadaadinayaan in uusan aqbalin go’aanka inta kale isku raacsanyihiin oo uu markii hore u dabacsanaa, iyagoo tusaya sawir mugdi ah oo mustaqbalkiisa doorasho la xariira. Waxey kula talinayaan mar uun meesha ka soo lug bax, xili kale dib ha loo balamo, kaddibna sidii shirkii Somalia iyo Somaliland ee maalin dhowayd Jabuuti lagu qabtay ee labada toddobaad loo ballamay yaan dib la isugu soo laaban” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa ugu baaqay madaxweyne Farmaajo in uu qaato go’aan geesinimo leh, maadaama dadku ay isaga doorteen.

“Madaxweynaha isagaa la doortay, kuwa taleefanka u soo diraya lama dooran, masuuliyaduna isaga ayey saaran tahay, waa in uu go’aan geesinimo leh qaato. Waa in uu tixgeliyaa madaxweynaha martida loo yahay iyo shacabka Galmudug oo ku dhowaad kun qof jeebkooda maalmo badan ka marti geliyey” ayuu yiri.

“Madaxweyne go’aan aad berri aqbali doontid, maanta libintiisa ha u diiidin hoggaanka iyo shacabka Galmudug. Madaxda iyo shacabka Galmudug ma aha in ay aqbalaan in daddaalkoodii uu noqdo hal bacaad lagu lisay oo go’aan la’aan shirka lagu kala tago” ayuu ku sii daray.

Ugu dambeyntii Cabdiraxmaan ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Masuuliyiinta kalena ma aha in ay aqbalaan in go’aan la‘aan shirka lagu kala dareero. Go’aan waa in hadda la qaato, waxa la isugu soo laabanayana ay noqdaan fulin iyo farsamo.”