Maxaa ka jira in Rooble uu doonayo inuu xilalka ka qaado wasiiro ku dhow Farmaajo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa beeniyey warar sheegaya in Rooble uu qorsheynayo inuu xilka ka qaado qaar ka mid ah wasiiradiisa.

Wararkan, oo aad ugu baahay baraha bulshada saacadihii ugu dambeeyey, ayaa lagu sheegay in Rooble uu doonayo inuu meesho ka saaro wasiirada ku dhow Farmaajo, xilli la tuhunsan yahay inuu khilaaf ka dhaxeeyo labada mas’uul.

Hase yeeshee, Macallimuu ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaas.

“Nin baa galab gaabkii maanta i soo wacay oo ii sheegaya in uu RW Rooble xilka ka qaadayo Wasiir X ,Y,Z . Aad baan ula yaabay waxaan ku iri Wasiiradaa aad ka hadleyso qaarkood baa kulan shaqo hadda kula jira Ra’isul Wasaaraha,” ayuu yiri Macallimuu oo qoraal soo dhigay facebook.

Waxa uu intaas ku daray “Isla ninkii odayga ahaa baan I soo wacay Taraawiixda kadib ,wuxuu i leeyahay sheekada haddaan xaqiiqdeeda soo helay, Madaxweyne Farmaajo ayaa Wasiiradii aan galabta kuu sheegay ee X,Y,Z amray in ay deg deg isu casilaan oo waxaan sugayaa Live-kooda.”

“Waxaan xaqiiqsaday in beentan hore aaney waxba ka duwaneyn tii galabta. Waxaan is weydiiyay wax aan jirin buunbuuniteeda maxuu ka helayaa ruuxaa mise Shayaadiintii la xirxiray bisha Ramadaan ayaa u soo wareegay Facebook iyo Twitter?”

Rooble iyo Farmaajo ayaa aragti ahaa kala fogaaday kadib markii Rooble uu Talaadadii qaatay go’aan uu ku diiday muddo kororsiga Farmaajo, iyo in dowladda ay weerarto ciidamada diidan muddo kororsiga ee ku sugan magaalada Muqdisho.