Ruushka oo war naadir ah ka soo saaray qabasho la’aanta doorashada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ruushka ayaa ka hadashay is-mari waaga siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, ayada oo ballan-qaaday inay ka qeyb qaadaneyso dadaallada caalamiga ah ee xalka lagu raadinayo.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ruushka ayaa lagu yiri “Waxaan la soconaa arrimaha ka dhacaya Soomaaliya ee ay sii xumeysa qabasho la’aanta doorashooyinkii Febraayo.”

“Ayada oo xubin joogto ah ka ah Golaha Ammaanka ee QM, Russia waxay qorsheyneysa inay taageerto dadaallada caalamiga ah ee caawimaad dhameystiran lagu siinayo Muqdisho.”

Waa markii ugu horreysay ee Ruushku ay ka hadlaan is-mari waaga doorashada Soomaaliya, tan iyo markii uu dhammaaday muddo xileedka madaxweyne Farmaajo, 7-dii Febraayo 2021.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa isku dayeysay inay ku dhowaato Ruushka, kadib markii reer galbeedka ay Farmaajo ka diideen muddo kororsiga, waxaana 15-kii April Muqdisho ku kulmay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Belel Cusmaan iyo safiirka Ruushka ee Soomaaliya iyo Jabuuti Michail Golovanov. 

Caasimada Online ayaa 7-dii April qortay xog gaar ah oo ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay heshiis hoose oo muhiim ah la gashay dowladaha Shiinaha iyo Ruushka, oo qeyb ka ah waddamada leh codka awoodda qayixan ee golaha ammaanka ee QM.

Labadaan dowladood ayaa Madaxweyne Farmaajo u ballan qaaday in ay is hortaagi doonaan qaraar kasta oo Soomaaliya ka dhan ah,  islamarkaana la horkeeno fadhigga golaha ammaaka.

Soomaaliya ayaa la sheegay in taa beddelkeed ay Shiinaha iyo Ruushka u ballan qaaday iskaashi iyo in fursad wanaagsan laga siiyo tartanka gobalka ka socda oo dalalkaas muhiim u ah.

Si kastaba, xitaa haddii Ruushka iyo Shiinaha ay dowladda ka hor-istaagaan qaraarada golaha ammaanka, waxaa xusid mudan in Mareykanka iyo Yurub ay saari karaan cunqabateyno iskood ah, maadaama dhaqaalaha caalamka oo idil ay inta badan ayaga maamulaan.