Xog: DF oo Shiinaha iyo Ruushka la gashay heshiis la xiriira muranka doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Soomaaliya ay heshiis hoose oo muhiim ah la gashay dowladaha Shiinaha iyo Ruushka, oo qeyb ka ah waddamada leh codka awoodda qayixan ee golaha ammaanka ee QM. 

Labadaan dowladood ayaa Madaxweyne Farmaajo u ballan qaaday in ay is hortaagi doonaan qaraar kasta oo Soomaaliya ka dhan ah islamarkaana la horkeeno fadhigga golaha ammaaka. 

Soomaaliya ayaa la sheegay in taa beddelkeed ay Shiinaha iyo Ruushka u ballan qaaday iskaashi iyo in fursad wanaagsan laga siiyo tartanka gobalka ka socda oo dalalkaas muhiim u ah. 

Shiinaha ayaa horey u muujisay mowqifkeeda, ayada oo taagero weyn siisay dowladda Farmaajo xilli ay cadadais ku hayeen dalalka reer galbeedka. Qoraal uu bishii hore soo saaray safiirka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “Dowladda Shiinuhu wuxuu ixtiraamayaa madax-banaanida iyo karaamada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, haddey noqoto mid dhuleed iyo siyaasadeed, waxaana si adag u taageereyna nabada, horumarka iyo barwaaqada Soomaaliya, anaga oo ku taagan mabda’a ah Soomaaliya Soomaali baa leh.” 

Haddii labadaan dal is hortaagaan qaraarada ka dhanka ah Soomaaliya ee la keeno Golaha amaanka ayaa Soomaaliya sii ahaan karto sidaan maadaama aysan UN-ka ka qaadan karin go’aan ku aadan xaalada cakiran ee Soomaaliya. 

Cakirnaanta dhinaca doorashada ee Soomaaliya ayaa u muuqato mid ay door ku leeyihiin dowlado waa weyn, kuwaas oo dano ka leh Soomaaliya waxaana la aaminsan yahay in arintaan ay madaxda dowladda ee muddo xileedkooda dhamaaday u horseedi karto dhiranaan ay xafiiska ku sii joogaan.