Madax goboleedyada iyo Farmaajo oo ka heshiiyey qodob aad la isugu hayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada ee ku shirsan teendhada Afisyoone ayaa maanta is-faham ka gaaray mid ka mid ah qodobadii ugu adkaa ee la isku hayey, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen xubno aad ugu dhow qaar ka tirsan madaxda maamul Goboleedyada, dhinacyada shirka leh ayaa isku fahmay mabda’a ahaan in la ballaariyo shirka soo socdo, islamarkaana ay kasoo qeyb galaan saamileyda kale ee dalka ee aan horey qeybta uga aheyn.

Dhinacyada ayaa isku fahmay in furitaanka shirka soo socdo ay ka qeyb galaan guddoomiyeyaasha labada Aqal ee baarlamaanka, madaxweynayaashi hore ee dalka, ra’iisul wasaarayaashii hore iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Qodobkan, oo ay soo jeediyeen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, ayaa ahaa mid uu aad uga soo horjeeday madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana hadda muuqata in madaxweynaha uu tanaasulay kadib maalmo badan oo la isku fahmi la’aa.

Ballaarinta ka-qeyb-galaasha shirka ayaa sidoo kale ka dhigan inuu halis ku jiro heshiiska 17-ka September oo dowladda iyo beesha caalamka ay doonayeen in lagu salleeyo heshiis kasta oo cusub oo la gaarayo. Maadaama xubnaha cusub ee ka qeyb-galaya shirka aysan qeyb ka aheyn heshiiskaas, waxay ka dhigan tahay in dib looga doodi doono.

Qodobada kale ee illaa hadda aan heshiiska laga gaarin waxaa ka mid ah in Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday saxiixo warqadda xil-gaarsiinta, awooddana ku wareejiyo xukuumadda, amniga doorashada iyo in tallaabo laga qaado taliyeyaashii ku lugta lahaa wixii dhacay weerarkii 19-kii Febraayo lagu qaaday mucaaradka iyo dibad-baxayaal.

Kulamada ayaa sii soconaya ilaa inta guud ahaan laga xalinayo qodobada kale ee la isku hayo, si loogu daro ajendaha shirka guud ee wada-tashida.

Shirka Afisiyoonr ayaa barqonimadii maanta dib u furmay kadib laba maalmood, oo uu hakad ku jiray.