Puntland oo iska fogeysay eedeyn la xiriirta Jubaland oo loo jeediyey (Warbixin)

Garowe (Caasimadda Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa biyo qabow ku shubtay wararka sheegaya iney kaliya garab istaag u muujineyso Jubaland oo kaliya iyadoo iska ilowday Soomaalida inteeda kale.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland ahna afhayeenka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka jawaabay su’aasha la xiriirta iney kaliya isbaheysi la aburteen Jubbaland, wuxuuna wareysi siinayay Tv-ga RTN.

“Su’aashaan aad ayey iigu soo badatay, wixii Puntland ka hallaaba waxey ka hallaabeen Soomaalida oo dhan, wixii Soomaalida ka hallaabana waxey ka hallaabeen Puntland, meesheeda ayaana ku dareemeynaa,” ayuu Jaamac Deperaani u shegay RTN.

Isagoo hadalkiisa wii wata wuxuu yiri: “Waa marin habaabin in Puntland kaliya u hiiliso gobolka Gedo iyo Jubbaland, Arrinta Somaliland, isqabqabsiga guddiyada, iyo arinta gobolka Gedo oo ah qodob ka mid ah arrimaha doorashada ayaa laga hadlayaa”

Sidoo kale labada dowlad goboleed ee Puntland iyo Jubbaland waxey doonayaan in ajandaha shirka guud ee doorashooyinka lagu daro walaca amniga iyo xad gudubkii 19-kii February, kaas oo maamulka madaxweynaha uu muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku weeraray madaxweynayaal hore.

Dhanka kale Jaamac Deperaani wuxuu ka hadlay in Farmaajo iyo maamulkiisa ay u fiicneed iney xafiiska banneeyaan 8-dii February, lana sii amba-qaado dimoqoraadiyadii xilka la isugu wareejin jiray.

“Caqabadda hadda jirta waxay la xiriirtaa madaxda dowladda federaalka kuraasta ayay kusii fadhiyaan iyaddoo muddo xileedkooda uu ka dhamaadey dalkana uusan aadin heshiis doorasho – taas waxay culeys ku haysaa dhamaan dadka Soomaaliyed,” ayuu mar kale yiri.

Talaabada ku kacay ee ah in uu wali kursiga isku sii dhejinaayo ayuu ku tilmaamay “fursad ka luntay” dadka Soomaaliyeed iyo in ay ahayd “xujo uusan dhaafi karin” madaxwayne kasta oo waddankan soo maraya isaga gedaashiisa.