Shirkii Afisyoone oo guul-darro kusoo dhammaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii u dhaxeeyay madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada ee Afisyoone ayaa guul-darroo kusoo dhammaaday kadib markii lagu kala booday qodobadii ugu adkaa ee la isku hayey.

Shirka ayaa fashilmay kadib markii la isku mari waayey dhowr qodob oo uu diiday madaxweyne Farmaajo, oo ay ka mid yihiin; in ajandaha shirka soo socda lagu soo daro amniga doorashada, gaar ahaan doorka hey’addaha amniga ee xilliga doorashada, si loo ogaado cida mas’uuliyadda leh.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, oo musharaxiinta mucaaradka kula mideysan Madasha Badbaado Qaran, ayaa qaba in kadib wixii dhacay 19-kii Febraayo, markaasi oo ciidamada amniga ay weerareen musharaxiinta, aan Farmaajo lagu aamini karin amniga doorashada. 

Farmaajo ayaa sidoo kale didiay in ajandaha shirka lagu daro doodda la xariirta muddo xileedkiisa iyo kan baarlamaanka ee dhammaaday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ku adkeystay in Gedo loo dhiso maamul Goboleed oo aysan qeyb ka noqon doorashada Jubaland. Qodobkaan ayaa ahaa mid saaka uu soo kordhiyay madaxweynaha, kaddib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha uu shalay la kulmay odayaal ka soo jeeda Gedo.

Wasiirka Warfaafinta xilka sii haya Cismaan Dubbe oo shir jaraa’id qabtay ayaa guul-darrada shirka ku eedeeyay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, isaga oo sheegay inaysan rabin inay dalka ka dhacdo doorasho.

“Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo. Waana wax laga xumaado in  labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn,” ayuu yiri Dubbe.

Farmaajo ayaa goor sii horreysay oo maanta ah ogolaaday in ka qeyb-galaaysha shirka la ballaariyo, laguna soo daro qaar ka mid ah mucaaradka, balse waxa uu diiday dhammaan qodobadkii kale ee la doonayey in ajendaha lagu soo daro.

Hoos ka daawo wasiir Dubbe