Muxuu qabanayey khabiirka u dhashay dalka Finland ee ku geeriyooday Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Khabiir ku takhasusay maareynta dhibaatooyinka soo gaara dadka rayidka ah, una dhashay dalka Finland, ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kadib markii uu ku dhacay cudurka Covid-19 ee sida weyn ugu faafay Soomaaliya bilihii ugu dambeeyey.

Geerida Khabiirkaan ayaa waxaa xaqiijiyey Agaasimaha Xarunta Maareynta Dhibaatooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland oo ka qeybgalay tacsi loo sameeyey Khabiirkaan.

Khabiirkaan oo u shaqeynayey howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaan illaa hadda la sheegin magaciisa, balse wasaaradda Arimaha Dibadda dalka Finland ayaa sheegtay inay tahay markii ugu horeysay oo khabiir ku takhasusay maareynta dhibaatooyinka soo gaara rayidka uu dhinto isagoo howlgalka ku jira.

“Xarunta Maareynta Dhibaatooyinka waxa ay si qoto dheer ula qaybsanaysaa murugada weyn ee ehelka khabiir ku dhintay howlihii maaraynta dhibaatooyinka rayidka” ayuu yiri  Kirsi Henriksson oo ah Agaasimaha Xarunta Maareynta dhibaatooyinka Finland.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay in dhimashadaan ay murugo ku abuurtay dadka ka shaqeeya maaraynta dhibaatooyinka rayidka, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalkaas.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Debadda Finland, khabiirkaan ayaa Muqdisho ku dhintay 21-kii bishii hore ee Maarso, kadib markii uu dhowr maalmood la xanuunsaday cudurka Coronavirus.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Dowladda Finland, meydka khabiirka ayaa la geeyey dalkaas maalintii Khamiista oo taariikhdu aheyd 1-kii bishan Abriil.

Shaqooyinka Howlgalka Maareynta dhibaatooyinka soo gaara dadka rayidka ah ayaa waxaa kamid ah taageerida qeybaha booliska badaha, taageerida horumarinta ciidamada ilaalada Xeebaha Soomaaliya iyo hormarinta guud ee booliska.

Dowladda Finaland ayaa howlgalkaan waxay ku leedahay illaa sideed khubaro ah, sida ay baahisay warbaahinta dalkaas Finland, inkastoo mid ah uu yahay kan la shaaciyey geeridiisa.

Finland ayaa sanad kasta ilaa 120 qof oo bartay maaraynta dhibaatooyinka soo gaara dadka rayidka ah waxay ugu deeqdaa howlgalada EU, UN, OSCE, NATO ama Golaha Yurub.