VILLA SOMALIA oo diiday in shuruud lagu xiro fulinta heshiiskii 17-ka September

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa diiday in shuruud lagu xiro shirka maalmihii u dambeeyay ka socday Afisyooni, kaasi oo maalintii Axadda hakad la galiyey, kadib markii maalinkii labaad ee uu shirkaas dhacay uu soo dhammaaday ayada oo aan wax heshiis ah la gaarin.

Madaxda sarre ee dowladda waqtigeeda dhamaaday iyo madaxda Puntland iyo Jubaland oo dhinac ah ayaa isku haya qoddobo dhowr ah oo  ku aadan ajendaha shirka, waxaana qorshuhu ahaa in dib loo billaabo maanta si la iskugu fahmo, inkasta oo uu haddana baaqday.

Waxaa qodobadaas ka mid ah; yareynta awoodda Madaxweynaha ee xilliga kala-guurka, weerarkii 19-kii Febraayo lagu qaaday dibad-baxayaal iyo qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha, iyo in la ballaariyo ka qeyb-galayaasha shirka.

Hase yeeshee, afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa diiday in xiligan “wax shuruud ah aan lagu xirin fulinta heshiiskii 17-kii September ay madaxdu kala saxiixdeen,” si dalka loogu jaheeyo doorasho heshiis lagu yahay, sida uu sheegay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa intii ay socdeen kulamadii u dambeeyey waxa uu diiday dhammaan qodobadii ay wateen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ee ay doonayeen in ajendaha shirka wada-tashi lagu soo daro, taasi oo keentay is-mari-waa.

Madaxtooyada ayaa dooneysa kaliya in laga wada-xaajoodo qodobadii heshiiska September 17, hase yeeshee Jubaland iyo Puntland ayaa ku doodaya in dowladda ay kadib qaaday tallaabooyin carqaladeyn ah, ayna tahay in laga wada-hadlo.

Go’aanka Villa Somalia iyo shuruudaha Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, ayaa sii dheereyn kara is-mari-waaga dhinacyada is-haya, xili ay beesha caalamka muddo ku dhow bil magaalada Muqdisho ku hayso madaxda Puntland iyo Jubaland oo ayagu diidan hanaanka doorasho ee dowladda waqtigeeda dhamaaday.

Waxaa hoos u dhacday rajada laga qabay in is-faham guud oo lagu galo shirweynaha doorashada laga gaaro kulamada Afisyooni, mana cadda in beesha caalamka oo gadaal ka riixeysa wada-hadaladan ay si toos ah usoo faro-gelin doonto.