Kenya: Tallaabadii uu qaaday Uhuru Kenyatta oo saameyn ku yeelatay Soomaalida

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa dhawaan soo saaray go’aamo looga hortagayo mowjadda saddexaad ee cudurka Coronavirus, kaasi oo qeybo kamid ah dalka Kenya loogu soo rogay bandow.

Go’aanka Uhuru Kenyatta ayaa saameyn weyn ku yeeshay ganacsiga iyo shaqooyinkii dadka ka shaqeyn jiray huteelada iyo goobaha dadweynaha isugu imaadaan ee magaalada Nairobi, ayada oo uu si gaar ah dhibaato hor leh ugu keenay ganacsatada Soomalida ah.

Ganacsigii suuqa Soomaalida Islii ee magaalada Nairobi ayaa bandowgan waxa uu ku yeeshay saameyn xoogan, ayada oo ganacsiyada qaar uu u horseeday inay gebi ahaanba baaba’aan.

Xoghayaha guddiga ganacsatada Suuqa Islii, Cumar Ibraahim Xuseen oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sheegay in saameynta ugu xoogan ee go’aankan uu 70% lumiyey ganacsigii Huteelada iyo goobaha lagu cunteeyo.

“Bandowga uu madaxweynaha ku dhawaaqay saameyn badan ayaa kasoo gaaray Islii ahaan, waxaa kamid ah ganacsatada ugu badan ee saameysay meelaha raashinka lagu kariyo. Ganacsiguna hoos ayuu u dhacay isku socodkii maadama la xanibay, dad badan ayey shaqo beel ku dhacday,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya ku booriyey inay u hogaansamaan shuruudaha caafimaad, islamarkaana ay ka digtoonaadan qatarta cudurka Covid-19 oo markale si weyn ugu soo labo kacleeyay dalkaas.

Saameynta ka dhalatay bandowga uu soo saaray madaxweynaha Kenya ayaa si weyn looga dareemay suuqa Islii ee Soomaalida, waxaana xiliyadii hore u tukaameysi iman jiray boqolaal dad ah, midaasi oo uu meesha ka saaray cudurka Covid-19.