KENYA: Caro ka dhalatay fanaan soo xirtay funaanad lagu sawiray Masjid

Nairobi (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta masaajid ku yaalla magaalada Lamu ee wadanka Kenya ayaa warqad cabasho ah ka gudbiyay nin degan dalka Mareykanka, kaas oo naqshadeeyay Funaanad uu xirtay heesaaga weyn ee Jay Z, sida uu baahiyey wargeyska Daily Nation.

Dad badan ayaa ka carooday falkaan, waxayna kusoo bandhigeen caradooda baraha bulshada, taas oo keentay in warqadaan cabashada ah la diro, waxayna hoosta ka xariiqeen inaan la aqbali karin arrintaas.

Fanaanka Jey Z ayaa xirtay funaanad lagu sawiray masjidka taariikhiga ah ee Riyadh, waxaana aad loo cambaareeyay in sawirka masjidka lagu soo bandhigo funaanad loo qaadanayo ‘baarar lagu caweeyo’ waxaana arrintaas si adag uga hadlay madaxda masaajidka.

“Munaarad diimeed lama xiriirin kartid waxyaalaha adduunka. Waxaa daabaceysaa funaanad ay ku qoran tahay astaan laga yaabo in loo qaato ‘kalaabyadda iyo baararka’. Bixi raalligelin,” ayaa laga soo xigtay mid ka mid ah wadaadada ku nool dalka Kenya.

Ninka nashqadeeyey Funaanadaan muranka abuutay waxaa la yiraahdaa Zeddie Lukoye, waxuuna ka tirsan yahay shirkadda Blkburd Genes oo ah shirkad maxali ah oo hadafkeedu yahay inay dadka adduunka oo dhan ku wacyi galiso taariikhda, dabeecadda, iyo arrimaha taagan markaas.

Hase yeeshee culumada hadashay waxay qabaan inay aheyd inay adeegsato shirkadan astaamo kale oo taariikhi ah oo xattaa Lamu ku yaalla, intii uu masaajidka adeegsan lahaa.

Si gaar ah ayaa loo beegsaday naqshadeeyaha Funaanadaan Zeddie, masaajidka uu astaantiisa ku xardhay ee Riyadh waa kan ugu cimriga dheer ee sida joogtada ah loogu cibaadeysto, waana mid ka mid ah goobaha waxbarashada ugu weyn ee Islaamka, marka laga hadlo dadka ku hadla luqadda Sawaaxiliga.