Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay warar sheegaya in ay sii daynayso maxaabiistii ay ku qabatay dagaalkii Laascaanood.
Wararkan oo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, waxay sababeen banaanbaxyo rabashado wato oo ka dhacay magaalada Burco, waxayna xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro meesha ka saartay jiritaan qorshe noocaan ah waqti dhow.
Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale caddeysay in kaliya maxaabiista dembiyada fudud galay uun la sii dayn doono munaasibadda 18-ka May awgeed. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Sandheere ayaa sheegay in maxaabiista dagaalku aysan ku jirin liiska la sii daynayo.
Wasiir Sandheere ayaa tilmaamay in banaanbaxyada ka dhacay Burco ay ahaayeen kuwo lagu kiciyay warar aan sal iyo raad toona lahayn, isagoo meesha ka saaray inuu jiro ama socdo qorshe lagu sii deynayo maxaabiis dagaal.
“Fawdo ka dhigay Burco dad ayaa ku dhex jiray. Fawdadaasi inooma qurux badna 18-ka May,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.
Sidoo kale wuxuu carabka ku adkeeyay in dadka fidinta wararka beenta ah ay leeyihiin ujeedooyin qaldan, kuwaas oo doonaya in ay bulshada dhexdeeda khilaaf ka dhex abuuraan. Waxaa uu faray laamaha ammaanka in tallaabo adag laga qaado cid kasta oo lagu helo in ay warar been abuur ah faafiso.
Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xilli ay bulshada reer Somaliland ku kala qeybsan yihiin in lasii daayo maxaabiista dagaalka, iyadoo saraakiil sare ay weli ku xiran yihiin magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.