Muqdisho (Caasimada Online) –Xildhibaanadii ugu badnaa oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay uga horyimaadeen qorshaha ay wadaan xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka oo dhistay hal xisbi.
Xildhibaanada ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh uga digay in dalka uu geliyo xaalad halis ah, iyagoo ugu baaqay in uu dib ugu soo laabto sharciga.
Xildhibaannadu ayaa sheegay inay arkayaan dalka oo galay xaalad halis ah, waxayna Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyeen in uu garaawsan waayay marxaladda adag ee dalku ku jiro, uuna ka baxay ballan qaadkiisii 29-kii Maarso 2025 ee ahaa in uu isu keenayo Madaxda kala aragtida duwan iyo hoggaanka dhaqanka, uuna martigelin doono gogol qaran.
Sidoo kale waxay sheegeen in Madaxweynuhu uu ku guuldaraystay in uu muujiyo xilkasnimo hoggaamineed oo uu ku wajaho xaaladda degdegga ah ee uu dalku ku jiro.
“Taas beddelkeed Madaxweynuhu wuxuu doorbiday dan shakhsi ah, kooxaysi siyaasadeed iyo tillaabooyin sii kala fogeynaya dadka, iyo isku day in dalka uu dib ugu celiyo nidaamkii halka Xisbi oo horay loogu soo khasaaray,” ayaa lagu yiri bayaanka xildhibaanada.
Xildhibaanada ayaa soo saaray toddoba qodob oo kala ah:
- Waxaan madaxweynaha kula talineynaa in uu si degdeg ah ugu soo laabto dariiqa sharciga ah, una guda-galo wadatashi siyaasadeed oo ay isugu imaanayaan saamileyda siyaasadeed ee ay quseyso talada dalka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, si dalka looga samatabixiyo burbur dowladeed, kana laabto qalalaasaha uu geliyay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, nidaamkii federaalka iyo awood qaybsigii siyaasadeed ee saldhigga u ahaa xasilloonnida dalka, loona abuuro cudud midaysan oo looga hortagayo kooxaha argagexisada.
- Waxaan u soo jeedineynaa Madaxweynahu in uu ka waantoobo ficillada lidka ku ah dastuurka ee ah kala qaybinta iyo colaadda uu ugu durbaan tumanayo maamulka Jubbaland, joojiyana xorriyad ka qaadista iyo afduubka siyaasadeed ee uu u adeegsanayo hantida qaranka iyo xilalka dowladda.
- Waxaan caddeyneynaa in madaxweynuhu si bareer ah u burburiyay Madashii Wadatashiga Qaran, kadib markii uu horay ula dagaalay Puntland iyo Jubaland intii soo hartayna uu ku gasbay in ay xisbigiisu xubno ka noqdaan, sidaa daraadeed, waxaan usoo jeedineynaa inuu ku laabto hannaankii heshiisha lagu ahaa ee saldhigga u ahayd dowlad dhiska Soomaaliya.
- Waxaan sidoo kale caddeynaa go’aannadii siyuasadeed ee quarka mid GWQ ay gaareen in ay dhammaan yihiin go’aano hal urur siyaasadeed gaaray,
- Waxaan ugu baaqeynaa in la joojiyo boobka iyo barakicinta lagu hayo shacabka Soomaaliyeed, haddii dhul dowlad loo baahdana la maro hannaanka sharciga tilmaamay.
- Haddii Madaxweynuhu uusan soojeedintan qaadanin si deg deg ahna dariiqa sharciga ah ugu soo nogonin, waxaan usoo jeedinaynaa in uu Xilka
Madaxweynennimo iska casilo si dalka u badbaado. - Waxaan soo dhaweyneynaa doorka garab istaagga shacabka iyo dowlad dhiska Soomaaliyeed ee ay qaadatay dowladda Mareeykanka ee ah in ay si cad u didday talada aan loo dhammeyn ee Madaxweynaha, waxaana ku boorineynaa saaxibada kale ee beesha calamka in ay sidoo kale ka soo horjeestaan talo siyaasadeed kasta oo aan loo dhammayn oo horseedi karta dib u nogosho.
Ugu dambayn, “waxaan u mahad celinaynaa Beesha Calamka kaalinta taageero ee ay la garab taagan yihiin dolwad dhiska Soomaaliya, waxaana usoo jeedinaynaa haddii soo jeedinnada Xildhibaannada uu iska dhagatiro Madaxweynuhu in ay ku garab siiyaan inta u taagan badbaadinta dowladnimada Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka.