25.8 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Wasiirrada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Masar oo kulan xasaasi ah ku yeeshay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Baqdaad (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Masar, Dr. Badr Abdel-Atty, kulankaasi ayaa ka dhacay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka Carabta ayaa isugu tegay dalka Ciraaq, wasiirrada ayaa maanta isugu yimid shir hordhac u ah shir-madaxeedka waddamada Carabta.

Wasiir Abdel-Atty ayaa ugu horrayn ugu hambalyey dhigiisa Soomaaliya xilka cusub ee loo magacaabay, isagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay dowladda Masar in la xoojiyo xiriirka walaaltinimo ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa xusay in xiriirka labada dal la gaarsiiyey heer istiraatiiji ah bishii Janaayo 2025, xilligii uu Madaxweynaha Soomaaliya booqday Masar.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar doorka muuqda ee ay ka qaadanayso xasilloonida Soomaaliya, isagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya in la xoojiyo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee labada dal.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo berri safraya dalka Ciraaq ayaa ka qeyb gelaya shirka ay sida hordhaca ah isugu yimaadeen wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Jaamacadda Carabta.

Masar iyo Soomaaliya ayaa sameystay iskaashi difaac iyo amni oo weli aan u dhaqan gelin sidii loo qorsheeyey, waxaana bilihii u dambeeyey soo baxayey warar sheegaya in khilaaf uu jiro, inkastoo aysan jirin wax ilaa hadda soo shaac baxay.

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News