Maxaa ka jira in wafti ka socda Somaliland uu booqasho ku tegay Israel?

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay weerarka sheegaya in wafti ka socda maamulkaasi, isla-markaana uu hoggaaminayey wasiirka Gaashaandhigga Cabdiqani Maxamuud Caateeye ay shir uga qaybagleen Israel, sida uu wariyey wargeyska The times of Israel oo sheegay in lagaga hadlay xiriirka Israel & Afrika.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayaa lagu beeniyey warkaasi, waxaana Wasaaraddu ay shaacisay in waxba kama jiraan ay tahay arrintaasi.

“Warar aan sal iyo raad toona lahayn ayaa lagu baahiyay wargayska The Times of Israel kaas oo ay ku sheegeen in Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiggu JSL uu ka qayb galay shir lagaga hadlayay iskaashiga Israel iyo wadamada Afrika, waana been cad oo marag ma doona” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaadhaandhigga Somaliland.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa xusay in xilligaas wasiir Cabdiqani Maxamuud Caateeye uu ku maqshuulsanaa xuska 18 May, maadaama uu ka mid ah guddiga qaban-qaabada ee xuska.

“Cabdiqani Maxamuud Caateeye waxa uu mudooyinkii u dambeeyay ka shaqaynayay hawlaha qaranka ee horyaala waxa uu ka mid ahaa gudidii  qaban qaabada maalinta qaran ee 18May waxaana uu ahaa gudoomiye ku xigeenka gudadda 18may, Wakhtigaa uu wargaysku ku sheegay” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Somaliland.

Qoraalkan ayaa sidoo kale farriin loogu diray bulshada Somaliland oo loogu baaqay in aysan ku kadsoomin wararka been abuurka ah ee lagu sumcad dilayo xukuumadda.

Arrintaan ayaa sidoo kale kusoo aadeyso, iyada oo dowladda Soomaaliya dhankeeda ay jawaab ka bixisay warar ay baahiyeen warbaahinta Israel oo sheegayey in Muqdisho ay ka fakareyso inay xiriir diblomaasi la yeelato Israel, waxaana arrintaasi si cad u baanisay Villa Soomaaliya

“Waxaan ilaa hadda la yaabannahay cidda mar kasta beentan naga faafineysa iyo ujeedada laga leeyahay,” ayuu yiri ilo-wareed ka tirsan dowladda oo la hadlay Caasimada Online.